waa maxay mamma united?

Mamma United


Mamma United waa urur faa'iido u leh oo awood siiya hooyooyinka ama haweenka. Ururka waxu kor u qaada aqoonta, iyo dhiirigelinta hoooyinka, si ay saameyn ugu yeeshaan noloshooda iyo nolosha carruurtooda..  

Ka mid noqoshada Mamma United waxay la macno tahay inaad ka qaybqaadato toddobaadkii hal mar muddo 3 bilood ah barnaamijkeena waxbarasho. Kulan kastaa waa laba saacadood isbuucii. Waxaad la kulmi doontaa hooyooyin kale oo agagaarkaaga degan waxaadna heli doontaa macluumaad muhiim kuu ah adiga oo dumar ama  hooyo ah. Kulan kasta waxaa imaan doona khabiir bixin doona macluumaad. Tusaale ahaan, waxaad la kulmi doontaa umuliso, dhakhtar cunto ama dhaqaale yaqaan iyo khabiiro kale. Waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan :



.      Cunto caafimaad leh

·       Dhaqdhaqaaqa jirka iyo ururada 

·       Waalidnimada

·       Jirka dumarka 

·       Caafimaadka maskaxda iyo jidhka 

·       Ammaanka xaafadda 

·       Dhaqaalaha 

·       Rabshadaha Qoyska 

·       Suuqa shaqada 



Ka qaybqaadashada Mamma United wax kharash ah kaagama baxayso. Waxaa lagugu soo dhaweynayaa inaad ku biirto. Kooxda waxaa hogaaminaya hogaamiye had iyo jeer jooga goobta kulamada ka dhacayan oo la xiriiri doona dhammaan ka qaybgalayaasha inta u dhaxaysa kulamada. Waxaan had iyo jeer bixinaa kafee iyo qudaar waqtiga nasashada. 

Haddii ay guriga kula joogaan carruur yaryar, waa lagu soo kaxeesan karta . Kooxuhu waxay inta badan ka kooban yihiin haween leh carruur da'doodu kala duwan tahay. Dhammaan haweenka waa lagu soo dhaweynayaa inay kusoo biiraan Mamma United!  


Haddii aad xiisaynayso, waxaad iska diiwaan gelin kartaa hoos foomka ama waxaad la xidhiidhi kartaa isuduwahayaga deegaanka oo faahfaahintiisa laga heli karo HALKAN ama xaashida macluumaadka. Waxaan rajeyneynaa inaan kugu aragno Mamma United!  

Tani waa waxa ka qaybgalayaashii hore ay ka yiraahdeen Mamma United: 


·     "Waxa ugu fiican ee ku saabsan Mamma United waa dareenka lahaanshaha ee laga helo kulamada.”

 ·    "Markii hore maan aqoonin waxa ay tahay Mamma United, mana aanan rabin in aan imaado halkaas markii hore, laakiin waxaan aaday halkaas, waxaana isla markiiba dareemay sida guriga oo kale . Waxaan nahay sida qoys oo kale." 

·      " Wiilkayga oo guriga jooga ayaan u sheegay miisaaniyada, dhaqdhaqaaqa iyo xuquuqda carruurta. Hadda waxaan haysanaa aqoon.

Halkan iska diiwaan geli

Jag är intresserad av att delta i en utbildning och vill ha mer information.